Sagal Pathology Center

Burooyinka Qanjirka Thyroid (Thyroid Nodules)

Kuus kasoo baxa Qanjirka qaybta hore ee dhuunta ku yaal ee loo yaqaan Thyroid ayaa la dhahaa “Thyroid Nodule“.

Kuus ama Buro yar oo horada dhuunta gaar ahaan qanjirkan (Thyroid Nodule) kasoo baxda waa mid Soomaalida ku badan; Kuusaskaan ama Burooyinkan badankood dhib weyn malahan mararka qaarse waxay noqon karaan Kansar.

Qanjirka Dhuunta (Thyroid Gland) waa qanjir ku yaala qaybta hore hadana dhaxda ee dhuunta kaas oo soo daaya dheecaan la dhaho (Thyroid hormone). Kuus Qanjirkan kasoo baxa (Thyroid Nodule) wuxuu sababi karaa is bedel ku imaada dheecaan kii laga soo deeynaaye qanjirka sida inuu bato taasna waxay sababi kartaa calaamado iyo Dhibaatooyin.

Calaamadaha Kuuska: dadka qaar wax calaamado ah malahan oo xitaa iyagoo is ogeen ayaa asxaabtooda ama Isbitaalka markey imaadaan lagu arkaa. halka dad kale ay isku arkaan calaamado sida inay dareemaan Kuuska, Tabar daro, Wadna garaac, Miisaanka oo hoos u dhaca iyo Calaamado kale.

Maxaa la gudboon qofka intaas qaba ama isaga shakiya?

Waxaa fiican in qofku arko dhakhtar si loo wareysto, loo baaro, loogana qaado dhiigaga qanjirka. Sidoo kale waxaa dhakhtar ku ku taliyaa Baaritaan Kombuyuutar la saarayo dhuunta si loo ogaado Kuuska, Cabirkiisa iyo Tilmaamihiisa. 

Mararka qaar, Waxaa bukaanka loo diraa Baaritaan la dhaho (Fine Needle Aspiration) oo Cirbad lagu mudayo kuuskii kadibna la baarayo Unugyada soo raacay cirbada si loo ogaado nuuca kuuska, inuu yahay Buro biyood, Buro kale oo fudud ama Buro Kansar ah.

Daawada Kuuska ama Burooyinka Qanjirkan waxay ku xiran tahay Calaamadaha bukaanka iyo Baaritaanada waxa kasoo baxa. Waxyaabaha badanaa loo sameeyo waxaa ka mid ah:

1. In la baxnaaniyo si dhawna loola socdo, waa hadii tilmaamaha Burada iyo calaamadaha bukaanka aysan jirin wax laga walwalo.

2. In daawo la siiyo bukaanka kadibna lala socdo xaalkiisa guud iyo mida burada.

3. In la qalo, waa hadii uusan xal kale jirin, buradu weyn tahay dhibna ku hayso bukaanka ama tilmaamaheeda looga shakiyo Kansar. Qaliinka wuxuu noqon karaa mid qayb qanjirka la bixinayo ama mid qanjirka dhan la wada saarayo.

4. Nuucyo kaloo cusub sida Radiofrequency Ablation wax loo yaqaan.

Fadlan Mar kasta la tasho Dhakhtar kaaga!

F.G: Xarunta Baaritaanada Burooyinka iyo Dheecaanada ee Sagal waxay sameysaa Baaritaanka FNA iyo Ultrasound Guided FNA.

Fadlan halkan ka aqriso Wacyigelin kale oo badan ama booqo Qaybta Bukaanada.

Waxaa la Qoray 15 August 2023         Author: Dr.Sagal Omar

Reference: Patient Education: Thyroid Nodules (The Basics)

×

Hello!

Click one of our contacts below to chat on WhatsApp

× How can I help you?