Sagal Pathology Center

Xarunta Sagal Pathology Center waxay ku taal Isgoyska Digfeer, Sarta Shaleemo Nasri ama Wac 0614102040 si laguu hago

Xarunta Sagal Pathology Center waxaa lagu baaraa Burooyinka, Dheecaanada & Dhiiga kala duwan sida Cadadka Burooyinka lasoo jaray (Biopsy), kuwa cirbada lagu soo qaaday (FNA), Dheecaanada sida Shahwada PAP Smear, Semen Analysis, Fluid Cytology, Dhiigaga sida Peripheral Blood Film (PBF). Fadlan sii Aqri Baaritaandaa oo Faahfaahsan

Xarunta Sagal Pathology Center waxay furan tahay Maalmaha Sabti ilaa Khamiis 8am ilaa 5pm. Hadii aad Sample keento Waqti ka baxsan Saacadaha Shaqada Fadlan la xiriir Whatsapp kan 0614102040.

Baaritaanka ayay ku xiran tahay. Baaritaanada sida FNA, PAP smear, PBF iyo Malaria waxaa lagu helaa 4-24 Saac halka Baaritaanada Cadadka Burooyinka lagu helayo 4-6 maalin.

Maya. Bukaanada u baahan La Talin la xiriirta Baaritaan ama Burooyinka kala duwan ee jirka uma baahna inay Nambar u jartaan xarunta ama bixiyaan lacag si la talintaas loo siiyo.

Buro waa kuus kasoo baxa meel ka tirsan jirka ha noqoto gudaha ama banaanka jirka. Burooyinka waxay isugu jiraan kuwo fudud iyo kuwo xun oo Kansar loo yaqaan. Fadlan Aqriso Maqaalkan Dr.Sagal ay ku sharxeyso Burooyinka.

Inkastoo Xog dhameystiran oo wadanka dhan laga wada sameeyay aysan jirin, hadana Cilmi baarisyo kala duwan iyo warbixino laga qoray Kansarada ugu badan Soomaaliya waxay sheegayaan in Kansaradan ay yihiin kuwa ugu badan Soomaaliya. Fadlan halkan ka Aqriso

Hida sidaha ama DNA laguma baaro Xarunta Sagal Pathology Center hada. Balse Xarunta waxay u taagan tahay inay soo kordhiso adeegyada ay bulshadu u baahan tahay iyadoo lagu saleynayo frequency ga baahida loo qabo baaritaanka.

Haa. Baaritaanada qaar sida Haweenka u baahan Baaritaanada Minka Afkiisa, Baaritaanada Naasaha, Kuus qofka meel uga yaal iyo wixii lamid ah Bukaanku toos ayuu xarunta u imaan karaa iyadoo marka hore la talin Lacag la’aan ah la siinayo sida in baaritaanka uu u socdo ku haboon yahay iyo in kale kaidbna Baaritaanka loo sameynayo. 

Haa. Ujeedooyinka Xarunta Sagal Pathology Center loo aasaasay waxaa ka mid ah in Cilmi baaris lagu sameeyo Xanuunada kala duwan ee Xarunta lagu arko si loo baaro waxa lala xiriiriyo xanuunadaas, meelaha ay ku badan yihiin iyo waxa la gudboon bulshada iyo bahda caafimaadkaba.

Xarunta Sagal Pathology Center waxay sameysay Cilmi baarisyo kala duwan waxayna soo dhaweyneysaa dhamaan bahda caafimaadka ee daneynaya inay la shaqeeyaan oo ay Cilmi baaris iska kaashadaan Xarunta. Fadlan la xiriir Email-ka info@sagalpathology.com  ama Whatsapp-ka 0614102040

×

Hello!

Click one of our contacts below to chat on WhatsApp

× How can I help you?