Sagal Pathology Center

Kansarada ugu badan Soomaaliya

Inkastoo Xog ama Data Final ah oo wadanka dhan ka tarjumi karta weli aysan jirin hadana Cilmi baarisyo laga sameeyay Magaalada Muqdisho iyo Xog laga aruuriyay Xarumaha Caafimaadka magaalada ee baara Kansarada ayaa waxaa lagu ogaaday in Kansarka Hunguriga Madoow (Esophageal Carcinoma), Kansarka Naasaha (Breast Cancer), Kansarka Dhiiga (Leukemia), Kansarka Minka Afkiisa (Cervical Cancer) ay ka mid yihiin Kansarada ugu badan ee ku dhaca dadka Soomaalida. 

Waxaa xusid mudan in sidoo kale tiro badan oo dad ah lagu arkay Kansarada Beerka (Hepatocellular Carcinoma), Kansarka Qanjirka Dhuunta (Thyroid Cancer), Kansarada Afka iyo Sanka (Nasopharyngeal) iyo kuwo kalaba sida Lymphoma, Colorectal iyo Skin.

Xog laga Jeediyay Shirkii World Cancer Day ee 2022 ka dhacay Muqdisho

Waxaa xusid mudan in xaalada hada la joogo aan wax badan Soomaaliya looga qaban dhamaan Kansarada aan kor kusoo xusnay hadaba waxaa bulshada la gudboon in ay ku dadaalaan ka hortaga iyo in Xili hore la ogaado Xanuunka si ay u fududaato daaweyntiisa.

Kansarada ugu Badan

Liiskan wuu socdaa marba marka ka danbeysana waxaa lagu soo daraa Kansaro kale ee Fadlan la soco. 

Fadlan halkan ka aqriso Wacyigelin kale oo badan ama booqo Qaybta Bukaanada.

Waxaa la Qoray 12 August 2023            Author: Dr.Sagal Omar

×

Hello!

Click one of our contacts below to chat on WhatsApp

× How can I help you?