Sagal Pathology Center

Kansarka Caloosha (Gastric Cancer)

Kansarka Caloosha (Gastric Cancer) waa Unugyadii caadiga ee Caloosha oo isku bedelay unugyo buro kadibna koriin qaldan sameeyay. Caloosha waxay shiidaa cuntada kala duwan waxaa kor kaga dhegan tubada hunguriga hoosna waxaa kaga dhegan qaybta koowaa ee Mindhicirada yar yar.

Kansarka Caloosha (Gastric Cancer) waxyaabaha ugu badan ee lala xiriiriyo waxaa kamid ah Bakteeriyo la dhaho H.Pylori taasoo ah mida sababta waxa loo yaqaan Gaas. Bakteeriyadan oo aan la daaweyn, sababtana caabuqa darbiga caloosha waxay horseedi kartaa Kansarka Caloosha.

Waxyaabaha kaloo horseeda waxaa kamid ah: Cabida Sigaarka iyo Khamriga, Cunooyinka qiica lagu kariyay (Smoked food), Cayilka badan iyo Dhaxalka.

Calaamadaha Kansarka Caloosha: Bilaawga hore wax calaamado ah malahan, balse marka danbe calaamadaha lagu arko waxaa ugu caansan Xanuun boga ah, Dimbiryo cuntada kadib, Apetite xumo, Lalabo, Matag dhiig la socdo, Laab jeex, Dhiig yari iyo Tabar daro iyo Miisaanka qofka oo hoos u dhaca, 

Maxaa la gudboon qofka isku arka ama isaga shakiya calaamadahaas?

Waxaa fiican in qofku arko dhakhtar si loo wareysto, loona baaro; Baaritaanada ugu badan ee loo sameeyo bukaanada looga shakiyo Burooyinka ama Kansarka Caloosha waxaa ka mid ah: 

1. Tubo kaamiro leh (Endoscopy) oo bukaanka afka laga gelinayo si loogu arko caloosha, in ay buro ku taal iyo in kale

2. Hadii dhakhtarku arko Buro ama uu ka shakiyo Cad (Biopsy) ayaa laga soo qaadaa si Sheybaarka loogu diro loona baaro nuuca cadka (Ma buraa, Noocee, mise waa cad caadi ah)

3. Dhiigag guud ayuu dhakhtarka badanaa diraa sida CBC, H.Pylori, Baaritaano beerka iyo Kiliyaha iyo kuwo la mid ah.

Daawada Burooyinka ama Kansarka Caloosha waxaa badanaa loo sameeyaa Qaliin lagu bixinaayo burada kadibna Daawooyin ayaa la siiyaa bukaanka sida Chemotherapy.

Kansarka Caloosha waa la daaweyn karaa weliba hadii xili hore la ogaado inta uusan faafin sidaa daraadeed bukaanada isku arka ama isaga shakiya calaamadaha kore waxaa muhiim ah inay si deg deg ah ula tashtaan dhakhtar si baaritaanada ku haboon loogu sameeyo, Xanuunkana xili hore loo ogaado.

Fadlan Mar kasta la tasho Dhakhtar kaaga!

F.G: Xarunta Baaritaanada Burooyinka iyo Dheecaanada ee Sagal waxay sameysaa Baaritaanka Burooyinka Caloosha.

Fadlan halkan ka aqriso Wacyigelin kale oo badan ama booqo Qaybta Bukaanada.

Waxaa la Qoray 21 August 2023         Author: Dr.Sagal Omar

Reference: Patient Education: Stomach Cancer (The Basics)

×

Hello!

Click one of our contacts below to chat on WhatsApp

× How can I help you?