Sagal Pathology Center

Kansarka Hunguriga (Esophageal Carcinoma)

Kansarka Hunguriga Madoow ama tubada cuntada (Esophageal Carcinoma) waa mid ka mid ah Kansarada ugu badan Soomaaliya lana tuhun san yahay in uu yahay Kansarka koowaad ee Soomaalida ku dhaca.

Kansarka Hunguriga Madoow waxaa lala xiriiriyaa waxyaabo kala duwan qaarkoodna aan cadeymo buuxda loo hayn waxaana ka mid ah: Cabida Sigaarka, Tubaakada, Khamriga iyo wixii la xiriira, Cabida waxyaabaha kulul sida Shaaxa iyo Maraqa, Xanuunada qaar sida Gastroesophageal reflux disease (GERD), Cayilka, Dhaxalka, Cuntooyinka ay khudaartun ku yartahay iyo waxyaabo kaloo badan.

Calaamadaha Kansarkan waxaa ugu caansan Qofka oo ay dhibto laqitaanka Cuntada ama Cabitaanka.

Sawirka hoose wuxuu soo koobayaa Calaamadaha & Sida looga hortago iyo waxa la gudboon qofka isaga shakiya.

Fadlan halkan ka aqriso Wacyigelin kale oo badan ama booqo Qaybta Bukaanada.

Waxaa la Qoray 14 August 2023            Author: Dr.Sagal Omar

×

Hello!

Click one of our contacts below to chat on WhatsApp

× How can I help you?