Sagal Pathology Center

Kansarka Dhiiga (Leukemia)

Kansarka Dhiiga (Leukemia) waa mid ka mid ah Kansarada ugu badan Soomaaliya kuna dhaca caruurta iyo dadka waaweyn.

Kansarka Dhiiga waa markii Unugyadii soo saari lahaa dhiiga kala duwan (Dhiiga cas, cad & kan xinjirowga) uu isbedel khaldan (Malignant transformation) ku dhaco taas oo sababta in ay saa’id u bataan ayna yareeyaan unug yadii caafimaadka qabay kadibna Qofka lagu arko Calaamado sida Tabar daro, dhiig yari, Infekshan soo laa laabta ama qofku u nuglaado, xinjirowgii dhiiga oo yaraada, dhiig bax iyo calaamado kale oo badan. 

Kansarkan waxaa ugu caansan oo uu leeyahay 4 Nooc oo kala ah ALL, AML, CLL, CML.

Sawirka hoose wuxuu soo koobayaa Kansarka Dhiiga iyo waxa la gudboon qofka lagu tuhmo.

Fadlan halkan ka aqriso Wacyigelin kale oo badan ama booqo Qaybta Bukaanada.

Waxaa la Qoray 14 August 2023            Author: Dr.Sagal Omar

×

Hello!

Click one of our contacts below to chat on WhatsApp

× How can I help you?