Sagal Pathology Center

Malaariyo (Malaria)

Malaariyo ama Xanuunka Duumada sida Soomaalida u taqaan waa Xanuun ku badan Soomaaliya kaasoo ay sababto Kaneecada laguna yaqaan Qandho daran, Madax xanuun, Qay qaryo iyo kor xanuun. Xanuunka Malaariyada wuxuu ku dhici karaa dhamaan dadka ha ahaadaan Caruurta ama dadka waaweyn.

Malaariyo waxay qofka ku dhacdaa marka ay qaniinto kaneeco qabta jeermiskii cudurka (Protozoa). Waxay leedahay nuucyo kala duwan sida Plasmodium Falciparum, Plasmodium Malaria, Plasmodium Ovale, Plasmodium Vivax iyo Plasmodium Knowlesi kuwaas oo ku kala daran calaamadaha iyo dhibaatooyinka ka dhasha.

Calaamadaha Malaariyada: Calaamadaha ugu badan ee lagu arko bukaanada waxaa ka mid ah:

1. Qandho daran

2. Kor xanuun iyo Madax xanuun

3. Af qaraar

4. Daal badan

5. Qar qaryo iyo jarees

6. Abitaayt xumo, Lalabo, Matag, Calool xanuun iyo Shuban

Maxaa la gudboon qofka isku arka ama isaga shakiya Calaamadaha Malaariyada?

Waxaa fiican in qofku arko dhakhtar si loo wareysto, loona baaro; Baaritaanada ugu badan ee loo sameeyo waa in laga qaado Dhiiga Malaariyada kaas oo loo baaro laba hab: Rapid Test oo ah in baaritaan fudud oo hab deg deg ah loo baarayo iyo mid la dhaho Peripheral Blood Film kaas oo malaariyadii lagu baarayo Microscope ka. 

Daawada Malaariyada waxaa la siiyaa bukaanada daawooyin loo yaqaano Anti-Malarial drugs kuwaas oo dilaya jeermiskii (Protozoa) Malaariyada keenay. waxay noqon karaan Kaniini, Sharoobo ama Cirbad iyadoo ku xiran da’da bukaanka iyo sida xanuunka u daran yahay.

Sidoo kale bukaanka waxaa lasiiyaa Qandho jebiye iyo daawooyin kaloo kaalmaati ah sida Multivatimins ama faleembo haduu matag badan leeyahay oo fuuq baxay ama matag joojin iyo wax lamid ah.

Waxyaabaha looga hortago Malaariyada

1. in la iska buufiyo kaneecada ama laga xirto shabaqa kaneecada

2. in dadka ku nool meel aysan Malaariya ka jirin qaataan ka hortag markey u safrayaan meelo ay Kaneecadu ku badan tahay

3. In lagu dadaalo Nadaafada guud iyo in laga hortago biyaha iyo wasaqda meelaha fadhiista kuwaas oo ay ka dhalan karaan kaneecada.

Hooyada Uurka leh aad ayay ugu nugushahay inay qaado Malaariyo sidoo kalana kulanto halis badan sida xanuun daran inay ku noqoto ama xitaa Ilmaha oo kasoo dilma sidaa daraadeed waa in Taxadar dheeri ah sameysaa hadii ay isaga shakisana si deg deg ula tashataa dhakhtar.

Fadlan mar kasta la tasho Dhakhtar kaaga! Xogtan looguma tala galin in wax lagu daaweeyo!

F.G: Xarunta Baaritaanada Burooyinka iyo Dheecaanada ee Sagal waxay sameysaa Baaritaanka Malaariyada gaar ahaan nuuca loo yaqaan Peripheral Blood Film kaasoo la aamin sanyahay in xaqiijinta Malaariyada ku fiican yahay.

Fadlan halkan ka aqriso Wacyigelino kale ama booqo Qaybta Bukaanada oo ka aqriso ama ka daawo macluumaad badan.

Waxaa la Qoray 19 September 2023         Author: Saacid

Reference: UpToDate: Patient Education (Malaria)

×

Hello!

Click one of our contacts below to chat on WhatsApp

× How can I help you?