Sagal Pathology Center

Kansarka Beerka (Liver Cancer)

Beerka waa Qanjirka ugu weyn qanjirada ugu weyn qanjirada jirka wuxuuna ku yaal dhanka midig ee caloosha gaar ahaan sambabka midig hoostiisa. Beerka wuxuu qabtaa shaqooyin badan oo ay ka mid yihiin keydinta nafaqooyinka iyo u bedelida tamar markii loo baahdo, soo saarista dheecaano sida bile iyo proteins sida kuwa xinjirowga dhiiga, kuwa la xiriira difaaca jirka, iwm.

Kansarka Beerka (Liver Cancer) waa Kansar ka sameysma unugyada beerka (Hepatocytes), nuuca ugu badana waxaa loo yaqaan (Hepatocellular Carcinoma).

Waxyaabaha horseeda kansarkan waxaa ka mid ah: Cagaarshowga labadiisa nuuc (HBV iyo HCV), Isticmaalka muqaadaraadka (Khamrada), Sunta qaar (Aflatoxins), Cayilka Saaidka, Dhaxal iyo waxyaabo kaloo badan!.

Calaamadaha Kansarka Beerka: Bilaawga hore wax calaamado ah malahan, balse marka danbe calaamadaha lagu arko waxaa ugu caansan Xanuun dhanka kore ee boga gaar ahaan qaybta midig, Cunto qaadashada qofka oo yaraata, Tabar daro, Miisaanka qofka oo yaraada, Isbedel ku imaada Kalarka Indhaha, Kaadida, Maqaarka iyo Cidiyaha sida inay Jaale noqdaan (waxa ay soomalida u taqaan Cagaarshoow), Kuus ama Buro qofku ka dareemo dhanka midig kore ee caloosha iyo ugu danbeyn biyo gala caloosha (Ascitis).

Waxyaabaha looga hortago Kansarka Beerka

Maadaama Kansarka beerka iyo Nuucyada Cagaarshow ee HBV iyo HCV la isla xiriiriyo waxaa halista Kansarka beerka lagu yareyna karaa qaadashada Talaalka Cagaarshowga, In la daaweeyo Cagaarshowga xili hore si dhawna loola socdo xanuunkiisa iyo in qofku ka fogaado dhamaan waxyaabaha horseedka kansarka sida isticmaalka muqaadaraadka.

Maxaa la gudboon qofka isku arka ama isaga shakiya calaamadaha Kansarka Beerka?

Waxaa fiican in qofku arko dhakhtar si loo wareysto, loona baaro; Baaritaanada ugu badan ee loo sameeyo bukaanada looga shakiyo Burooyinka ama Kansarka Beerka waxaa ka mid ah: 

1. Baaritaano Dhiig sida in la ogaado shaqada beerka, Hb-ga, iwm.

2. In sawir laga qaado Beerka (Imaging) si loo fiiriyo inay jiraan wax muujinaya buro iyo wax lamid ah.

3. In beerka laga soo jaro cad (Biopsy)

Daawada Kansarka Beerka waxay ku xiran tahay heerka uu xanuunka maraayo sida ma qayb yar kaliya ayuu ku yaal mise beerka dhan, ma ku faafay caloosha qaybaheeda kale, maku faafay xubno kale sida Sambabaha ama meelo kale. 

Waxaa muhiim ah in bukaanada isku arka ama isaga shakiya calaamadaha kore  inay si deg deg ah ula tashtaan dhakhtar si baaritaanada ku haboon loogu sameeyo, Xanuunkana xili hore loo ogaado loona daaweeyo

Fadlan mar kasta la tasho Dhakhtar kaaga!

F.G: Xarunta Baaritaanada Burooyinka iyo Dheecaanada ee Sagal waxay sameysaa Baaritaanka Burooyinka Beerka iyo Biyaha gala Caloosha (Ascitis).

Fadlan halkan ka aqriso Kansarada ugu badan Soomaaliya ama booqo Qaybta Bukaanada oo ka aqriso ama ka daawo macluumaad badan.

Waxaa la Qoray 4 September 2023         Author: Umulkheyr

Reference: Hepatocellular Carcinoma: an ESMO Guide for patients

×

Hello!

Click one of our contacts below to chat on WhatsApp

× How can I help you?