Sagal Pathology Center

Sida loo qaado loona diyaariyo (Specimens-ka kala duwan)

Guidance & Instructions for Pathology Specimen Collections: for English Version, Please Click here

Biopsy for Histopathology

1. Ku rid Cadka la soo jaray weel lagu shubay Formalin 10% ah.

2. Ku dheji ama ku qor weel ka Magaca bukaanka & Meesha Cadka laga soo jaray.

3. Soo raaci weelka Cadka lagu riday, Xogta Bukaanka (Magaca, Da’da, Xog kooban oo calaamadahiisa ah & Baaritaano hadey jiraan).

F.G: Hadii cadka la qaaday xili danbe ama maalin aan shaqo ahayn, Fadlan ku rid weel lagu shubay Formalin 10% kadibna iska dhig qol caadi ah (room temperature)

Peripheral Blood Film (PBF)

1. Si loo qaado PBF uma baahna wax gooni ah balse si loo ogaado xogta bukaanka Fadlan sample ka soo raaci CBC taas oo team ka xarunta ka saacideysa inay isku xiraan waxa ka muuqda CBC ga iyo waxa PBF ka lagu arkay

2. Baaritaanada Malaria-yada wax gooni ah uma baahna laakiin sida baaritaan walba, Fadlan soo raaci Brief Clinical Information.

3. Filariasis: Dhiiga Filariasis-ka waxaa la qaadaa habeenkii saq dhaxe sidaa daraadeed, Waqtigaasna ma furna xarunta sidaa daraadeed wac soo wac Xarunta maalintii (Mob: 0614102040) si laguu hago.

PAP Smear 

Bukaanada u baahan PAP test ga waxaa toos ugu soo diri kartaan Xarunta ama Isbitaalka iyo xaruntaada ayaad sample ka uga qaadi kartaa.

Hadii aad Sample-ka uga qaadeyso bukaanka Xaruntaada, Fadlan nala soo socodsii si aan kuugu keeno Qalabka aad isticmaali lahayd sida (PAP kit, Speculum, Fixative, etc) kuuguna sharaxno qaabka loo isticmaalo.

Marka la qaado PAP test ga uma baahno in lagu keydiyo meel gooni ah oo room temperature ka ayaa laug hayn karaa.

Semen Analysis

Qaadista Baaritaanada Shahwada waxay u baahan tahay in si sax ah loo raaco Tilmaamaha hoose:

1. Inta aan iska keenin Shahwada, La tasho dhakhtarkaaga ama nasoo wac si tilmaamaha laguugu sharxo.

2. Bukaanka la baarayo Shahwadiisa waa in ugu yaraan 3-4 beri aysan shahwo ka imaan.

3. Sida ugu fiican ee Shahwada la baarayo la isaga keeno waa Siigeysi iyadoo aan la isticmaalin shaambo, saabuun, kareem ama wax kale. Isticmaalka waxyaabahaas waxay dileysaa Shahwada!

4. Marka aad Shahwada iska keento, Fadlan ku shub weelka (container) loogu tala galay ee Sheybaarka lagaa siiyay. Shaqaalaha Caafimaadka waa inay kusoo qoraan weelka, Magaca iyo da’da bukaanka.

5. Marka shahwada lagu shubo weelka loogu talo galay waa in 30 daqiiqo gudaheed lagu keenaa Xarunta.

F.G: Waxaan ku talineynaa in Bukaanada ay Shahwada isaga soo qaadaan Isbitaalada kadibna ay keenaan xarunta

×

Hello!

Click one of our contacts below to chat on WhatsApp

× How can I help you?