Sagal Pathology Center

Tiibisho (Qaaxo): Tuberculosis

Waa Maxay Qaaxo (Tuberculosis)?

Qaaxo ama Tiibisho waa Caabuq badanaa ku dhaca Sambabada kaasoo kamid ah cudurada ku badan Soomaaliya. Sidoo kale Qaaxadu waxay ku dhici kartaa xubno kale oo jirka sida Qanjirada, Lafaha iyo Xubnaha Uur kujirta.

 Sidee ayuu ku faafaa Cudurka Qaaxada?

Jeermiska keena Qaaxada wuxuu ku gudbi karaa marka qof qaba cudurkan uu agtaada ku qufaco ama ku hindhiso iyadoo cudurku lagu qaadayo qaab neef ahaan ah.

 Maxaa dhacaya hadii aad qaadid Jeermiska Tiibishada (Qaaxada)?

 Hadii aad qaadid Jeermiska keena cudurka Qaaxada, Difaaca jirkaaga wuxuu isku dayayaa inuu ka taqaluso; mar marka qaar waxaa dhici karta in difaaca jirka laga awood badiyo sidaasna qofka ku qaado xanuunka Tiibishada.

 Waa maxay Calaamadaha Cudurka Tiibishada (Qaaxada)?

 Calaamadaha lagu garto xanuunkan waxay ku xiran yihiin meesha uu ku dhacay xanuunka. maadaama sambabada yihiin meesha ugu badan, Calaamadaha lagu arko waxaa kamid ah:

1. Qufac socdo mudo dheer

2. Qandho aan darneen

3. Dhidid habeenkii xiliga danbe

4. Miisaanka qofka oo yaraada

Maxaa la gudboon Qofka isku arka ama isaga shakiya Calaamadaha kore?

Waxaa haboon in qofka uu u tago dhakhtar lana tashto:

1. hadii uu u la noolyahay qof Tiibisho qaba kadibna isaga shakiyo calaamadaha kore

2. hadii uu isku arko qufac socda mudo ka badan 3 ilaa 4 usbuuc, qufacaas oo aan isbadaleynin

Ma jiraan Baaritaano lagu ogaado Tiibishada?

Haa, waxaa la sameeyaa baaritaano kala duwan waxayna ku xiran yihiin meesha Xanuunka ku dhacay ama looga shakisan yahay. Tusaale, Bukaanka Tiibishada Sambabaha lagu tuhmo waxaa laga baaraa Xaaqo, Skin test (PPD) iyo Raajo Feeraha ah.

Tiibishada Qanjirada badanaa dheecaan ama cad ayaa Qanjirka laga qaadaa oo la baaraa halka Tiibishada uur kujirta la baaro biyaha gala meeshaas sida Caloosha iyo Sanbabka.

Daawada Tiibishada:

Daawada waxay ku xiran tahay meesha uu xanuunku ku dhacay iyo sida uu daran yahay bukaanka. Daawooyinka Tiibishada ayaa la siiyaa iyagoo badanaa ka kooban 4 daawo lana qaato mudo bilooyin ah.

Waxaa muhiim ah bukaanka inuu daawada sida loogu qoray u qaato una joogteeyo hadii kale waxaa ka dhalanayo dhibaato (resistance) sida inay daawadu shaqeyn waayso xanuunka bukaankana ka daro.

Qaar kamid ah daawooyinka Tiibishada loo isticmaalo waxay keenaan Beer xanuun sidaa daraadeed bukaanka inta uu qaadanayo daawada waa inuu ka feejignaadaa ama la wadaagaa dhakhtarka daawooyinka kale ee beerka dhaawici kara sida kaniiniga barastamoolka. Bukaanka waa inuu si deg deg ah Dhakhtarka ugu wargeliyaa haduu isku arko calaamadaha soo socda ee la xiriira Beerka:

1. Daal badan

2. Laba labo ama matag

3. Apetite xumo ama cuntada oo aan ku socon qofka

4. Midibka kaadida oo isbedela

5. Midibka Indhaha iyo Maqaarka oo isbedela

6. Xanuuna dhanka midig ee Caloosha

7. Kor cun cun

Tiibishada waa Cudur halis ah balse la daaweyn karo!

Waxaa muhiim ah in Bukaanka u qaato daawada sida dhakhtarku faray uusana kala goyn.

Xarunta Baaritaanada Burooyinka & Dheecaanda ee Sagal waxay Baartaa Dheecaanada Tiibishada sida kuwa laga soo miiray Caloosha ama Feeraha; sidoo kale Xarunta waxay baartaa Dheecaanka iyo Cadka Tiibishada Qanjirada.

Fadlan halkan ka aqriso Wacyigelino kale sida Kansarada ugu badan Soomaaliya ama booqo Qaybta Bukaanada oo ka ka daawo macluumaad badan.

Waxaa la Qoray 11 September 2023         Author: Mrs. Naima Ahmed

Reference: UpToDate: Patient Education: Tuberculosis

×

Hello!

Click one of our contacts below to chat on WhatsApp

× How can I help you?