Sagal Pathology Center

Wacyigelinta Kansarka Naasaha

Ma ogtahay in Kansarka Naasaha yahay Kansarka ugu badan ee kudhaca haweenka aduunka oo dhan, Sidoo  kalana ka mid yahay Kansarada ugu badan Soomaaliya. 

Bisha October sanad walba ayaa Wacyigelin loo sameeyaa bulshada si kor loogu qaado aqoonta bulshada ee ku aadan Kansarka Naasaha si xili hore loo ogaado dadka qaba Kansarka iyo si loo yareeyo dhimashada ka dhalata Kansarka Naasaha. Hadaba waxaa 1da ilaa 31 October Xarunta Baarista Burooyinka iyo Dheecaanada ee Sagal Sameyn doontaa Baaritaano & Wacyigelino la xiriira Kansarka Naasaha iyo Kansarka Minka Afkiisa.

Caalamka, 7 dii dumar ahba mid ka mid ah waxaa ku dhaca Kansarka Naasaha balse nasiib daro heerka Wacyiga bulshada gaar ahaan Soomaalida aad ayuu u hooseeyaa oo ma oga dadka badankooda sida looga hortago, Calaamadaha lagu garto, Maxaa la gudboon qofka isaga shakiya, Sidee Naasahaaga ula socon kartaa iyo su’aalo kaloo badan. 

Fadlan ka qayb qaado kor u qaadista Wacyiga Bulshada oo nagala qayb gal dadaalada aan wadno.

1. Gaarsii Asxaabtaada & ehelkaaga Baaritaanada iyo Wacyigelinada aan qabanayno

2. Baro Calaamadaha Kansarka Naasaha 

3. Soo booqo Xarunta oo baro sida loo fiisiteeyo Naasaha 

4. Isbaar hadii kuus ama Buro kaaga taal Naaska

5. Nagal soco Facebookga Xarunta oo Faafi fariinta si ay dad badan uga faa’ideystaan 

Na soo booqo 1da ilaa 31da October oo hel La talin, Baaritaan iyo Wacyigelin kor u qaada Aqoontaada la xiriirta Kansarada Naaska & Minka Afkiisa

Sidoo kale Fadlan Daawo  Video ga Wacyigelinta Kansarka Naasaha oo ay soo jeedinayso Dr.Sagal.

Fadlan halkan ka aqriso Wacyigelin kale oo badan ama booqo Qaybta Bukaanada.

Waxaa la Qoray 22 September 2023            Author: Dr.Sagal Omar

×

Hello!

Click one of our contacts below to chat on WhatsApp

× How can I help you?