Sarcoma waa nooc kamid ah Kansarada Dhifka ah kuna dhaca Lafaha, Murqaha iyo Xididada. Wuxuu u dhigmaa 1% Kansarada dadka waaweyn balse 15% Kansarada ku dhaca Caruurta. Kansarkan wuxuu kamid yahay Kansarada ku dhaca dadka Soomaaliyeed balsa kama mid ahan Kansarada ugu badan Soomaaliya.
Bisha July sanad walba ayaa Wacyigelin loo sameeyaa bulshada si kor loogu qaado aqoonta bulshada ee ku aadan Kansarka Sarcoma si xili hore loo ogaado dadka qaba iyo si loo yareeyo dhimashada ka dhalata. Hadaba Xasuusnaaw Toban kaan qodob ee hoose.
1. Ku dhawaad 100 Nuuc ayuu leeyahay Kansarkan; Waxaana lala xiriiriyaa oo horseeda waxyaabo ay kamid yihiin Dhaxalka (Genetics), Qofka inay ku baxaan Shucaac iyo Kiimiko (Exposure to chemicals and Ionizing radiation) iyo Sababo kale.
2. Caruurta ayay ku badan yihiin (15%) marka loo bar bardhigo Dadka waaweyn (1%)
3. Ku dhawaad kala bar (40%), Burooyinkan waxay kasoo baxaan Lugaha, Anqawga iyo Cagta
4. Meesha labaad ee ugu badan oo Burooyinka ay kasoo baxaan (30%) waa Caloosha, Xabadka iyo Miskaha
5. Boqolkiiba 15%, waxay ka soo baxaan burooyinka Garabka iyo Gacanta sidoo kale waxay kasoo baxaan Madaxa iyo Qoorta
6. Burooyinka Lafaha ayaa ku badan Caruurta halka kuwa Murqada iyo hareerihiisa kasoo baxa ay ku badan yihiin dadka waaweyn. Osteosarcoma waa nuuca Burada ugu badan ee Caruurta ku dhacda.
7. Calaamadaha lagu arki karo waxaa kamid ah Kuus (Buro), bilaawga aan xanuun lahayn.
Badanaa bilaawga hore wax calaamad ah malagu arko ilaa kuus muuqda kasoo baxo. Burada marka ay waynaato waxay sababi kartaa Xanuun; Miisaanka qofka oo hoos u dhaca, Lafta oo jabta iyo Calaamado kale ayaa gadaal danbe laga arkaa.
8. Waxaa lagu ogaadaa Kansarkan Calaamadaha bukaanka, Raajo iyo Kombuyuutaro, in Cad laga qaado burada iyo Baaritaano dheeri ah.
9. Daawada Kansarkan waxay ku xiran tahay heerka xanuunka la ogaaday iyo meesha ay ku taalo!; Natiijadana waxay fiican tahay hadii xanuunka xili hore la ogaado asigoo aan weli faafin. Xalka wuxuu isugu jiraa Qaliin iyo Daaweyn sida Chemotherapy iyo Radiotherapy.
10. Gabagabadii, waxaa muhiim ah in Bulshada ay faham ka haysato xanuunada Kansarka sida kanoo kale si loo yareeyo Dhimashada iyo Dhibaatooyinka ka imaan kara hadii aan Xog-ogaal la ahayn
Fadlan ka qayb qaado kor u qaadista Wacyiga Bulshada oo
1. Gaarsii Asxaabtaada & ehelkaaga Wacyigelin tan
2. Baro Calaamadaha Kansarka iyo Xanuunada waaweyn
3. Soo booqo Xarunta hadii kuus kugu yaal aad ka shakisan tahay
4. Nagala soco Facebook–ga Xarunta oo Faafi fariinta si ay dad badan uga faa’ideystaan
Ma ogtahay in 1da ilaa 31da October Xarunta Baaritaanada Burooyinka iyo Dheecaanada ee Sagal ay sameyso La talin, Baaritaano iyo Wacyigelin la xiriirta Kansarada Naaska & Minka Afkiisa oo kamid ah Kansarada ugu badan ee dumarka Soomaalida la dhiban yihiin.
Fadlan halkan ka aqriso Wacyigelin kale oo badan ama booqo Qaybta Bukaanada.
Waxaa la Qoray 26 June 2024 Author: Dr.Sagal Omar
Reference: Sarcoma Free Foundation